Sheeko Murtiyeed: Kuwii Daminta Dabka u Soo Baxay Waxaa jirtay waqti fog oo nin degganaa tuulo ka mid ah dhulkii Soomaalida uu gowracay dibi aad u weyn. Dibi xooggan oo hilibkiisu faro badan yahay, oo haddii la cuno, dad badan ka dhergi karaan. Ninkii wuxuu dab u shiday hilibkiina si wanaagsan ayuu u dubay. Udgoonkii hilibka la dubayey wuxuu gaaray xaafadaha u dhow, balse ninkii ma rabin in dadka keligood iska yimaadaan.

Sheeko Murtiyeed
Sheeko Murtiyeed: Kuwii Daminta Dabka u Soo Baxay
Sheeko Murtiyeed: Kuwii Daminta Dabka u Soo Baxay
Waxaa jirtay waqti fog oo nin degganaa tuulo ka mid ah dhulkii Soomaalida uu gowracay dibi aad u weyn. Dibi xooggan oo hilibkiisu faro badan yahay, oo haddii la cuno, dad badan ka dhergi karaan. Ninkii wuxuu dab u shiday hilibkiina si wanaagsan ayuu u dubay. Udgoonkii hilibka la dubayey wuxuu gaaray xaafadaha u dhow, balse ninkii ma rabin in dadka keligood iska yimaadaan.
Markii hilibkii diyaar noqday, wuxuu u yeeray walaalkiisii ka yaraa oo la joogay, wuxuuna ku yiri:
"Walaalow, orod oo deriska iyo qaraabada noo keen, si aan ugu martiqaadno hilibkaan quruxda badan ee aan u diyaariyay."
Wiilkii yaraa wuu baxay, laakiin halkii uu si toos ah dadka ugu yeeri lahaa, wuxuu is-tusay xeelad kale oo uu ku ogaan karo yaa dhab ahaan damiir leh oo garab istaagaya. Wuxuu cod dheer ku dhawaaqay:
"Wardadoow! Dab baa ka kacay gurigeenna, ii kaalaya naladamiyo dabka gurigeena ka kacay!"
Codkiisii wuxuu ka dhex yeeray xaafadaha. Qaar ka mid ah dadka, iyagoo aan xitaa si fiican u hubsan, waxay si dhaqso leh uga soo yaaceen guryahoodii, qaarkoodna waxay soo wateen biyo, qaarna waxay qalab la soo baxeen iyagoo u socda si ay dabka u damiyaan.
Markii ay yimaadeen, waxay arkeen in gurigu nabad yahay, dabna uusan jirin, laakiin halkii uu dab gubayey, waxaa yaalay hilib la dubay, udgoonkiisuna meel fog gaadhay. Markaas ayay fahmeen in loo martiqaaday casho, waxayna fariisteen oo bilaabeen inay cunteeyaan hilibkii la diyaariyay.
Laakiin walaalkii weynaa, markuu arkay in dadkii yimid aysan ahayn dadkii uu walaalkiisii u diray, ayuu yaabay. Wuxuu fiiriyay wejiyadooda, wuxuuna dareemay in dadka qaar aysan xitaa ahayn dadkii qaraabadiisa ahaa. Markaas ayuu walaalkiisii ku yiri:
"Walaal, dadkaan ma ahan dadkii aan kuu diray! Aaway qaraabadii iyo deriskii aan kuu sheegay inaad u yeerto?"
Wiilkii yaraa wuxuu si deggan ugu jawaabay, isagoo hadal murti leh dhahaya:
"Walaal, dadkaan halkan jooga waa kuwii u soo baxay inay damiyaan dabka ay maqleen inuu gurigeenna ka kacay. Kuwii kale ee aad iigu yeertay, inkastoo ay maqleen qayladaydii, dhagaha ayay ka fureysteen, oo kama ay soo bixin guryahoodii. Marka kuwa halkan joogaa wax cuni uma imaanin ee waxay u yimaadeen inay gargaar sameeyaan. Waxaana mudan in la caawiyo dadka u taagan gurmadka, ee aan lagu mashquulin kuwa iska indho-tira baahida dadka kale."
Walaalkii weynaa wuu fikiray. Wuxuu gartay in murti weyn ay ku jirto hadalka walaalkiisii. Dadka aad taqaan oo qaraabadaada ah mar walba ma ahan kuwa kuu soo gurmanaya marka aad dhibaataysan tahay. Waxaa dhici karta in kuwa aad moodeyso kuwa shisheeye ah ay yihiin kuwa dhab ahaan kuu garab istaagaya, marka aad xaalad adag ku jirto.
Casharka Sheekada:
Sheekadan waxay xambaarsan tahay xikmad weyn. Waxaa lagu bartaa in dadka kula qaraabta kaliya aysan mar walba ahayn kuwa dhabta kuu hiilinaya. Qofka banii'aadamka ah, marka uu dhib galo, wuxuu arkaa yaa dhab ahaan la garab taagan. Dad badan ayaa kuu imaanaya marka aad farxad iyo barwaaqo haysato, laakiin markii aad baahi dareento ama aad dhibaato la kulanto, kuwa dhabta ah ayaa la soo baxaya damiirkooda.
Sheekadani waxay inoo sheegaysaa in aan la xukumin dad isku xiga oo kaliya, balse ay muhiim tahay in la qiimeeyo qofka falkiisa. Waxaa la leeyahay:
"Saaxiibka dhabta ah waa kan kula jooga xilliga dhibaatada, ee ma ahan kan kaliya kula farxa marka aad barwaaqo haysato."
Haddaba, qof kasta oo noloshaada ku jira, bal eeg marka aad baahato yaa dhab ahaan kuu garab istaaga!
https://www.facebook.com/share/v/1EWSKu5Vk7/?mibextid=D5vuiz